Madaxweyne Cirro oo la Kulmay Guddoomiyaha cusub ee Guurtidda.

Hargeysa-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha cusub ee Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Xaaji Cabdi Ducaale iyo Guddoomiyihii hore ee Golaha, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan oo maanta xilka banneeyey.

Madaxweynuhu waxa uu Guddoomiyaha cusub ugu hambalyeeyey kalsoonida ay Golaha Guurtidu ugu doorteen hoggaaminta Golaha, isaga oo u rajeeyey in Alle SWT ku asturo masuuliyadda culus ee loo igmaday, kuna guulaysto xoojinta doorka Golaha Guurtida ee ilaalinta nabadda, xasilloonida, wadajirka iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee Qaranka.

Sida oo kale, Madaxweynuhu waxa uu Guddoomiyihii hore ee Golaha Guurtida, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan si qoto dheer ugaga mahad naqay muddada dheer ee uu u soo adeegayey dalka iyo dadka Jamhuuriyadda Somaliland. Madaxweynuhu waxa uu Guddoomiyihii hore ee Golaha Guurtida ku bogaadiyey hoggaamintiisii iyo sida hagar la’aanta iyo xikmadda lahayd ee uu ugu soo adeegayey Qaranka JSL, isaga oo ku tilmaamay Oday Qaran oo mudan qaddarin iyo abaal Qaran.

𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇

𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫),

𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*