Wasiirka Hawlaha Guud oo Sharraxay Qaybaha Suuqa Idaacaddu Uu ka koobnaan Doono.

Hargeysa-Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta JSL, Xuseen Axmed Caydiid, ayaa sheegay in dib-u-dhiska Suuqa Idaacadda lagu samaynayaa uu noqonayo mid casri ah, lagana hirgalin doono 705 meheradood,kuwaas oo dhamaantood noqonaya dhismayaal dawladeed, laakiin ay maalgashan doonaan dadka ku ganacsan jirey suuqaas ee uu ka gubtay.

Wasiirka ayaa sidoo kale caddeeyey in dhamaan dadkii khasaaruhu ka gaadhay dabkii ka kacay suuqaaasi la siiyey magdhawka khasaarihii soo gaadhay, waxaana uu xusay mashruucaas dib-u-dhiska Idaacaddu uu qaadan doono muddo 8 bilood ah.

“Dadkii khasaaruhu kasoo gaadhay dabkii Suuqa Idaacadda qof walba wixii uu sheegtay laba shirkadood wixii ay bixiyeen ayaa ku filnaaday. Guud ahaan 705 meheradood ayaa laga dhisayaa , 17 sakadood iyo 4 Hangar oo laga dhisayo suuqa Idaacadda, waxayna noqonayaan dhismayaal dawladeed, laakiin dadka ku ganacsanayaa ayaa maalgashan doona, waxa laga qaadayaa kiro yar. Waxaana rejeynaynaa jn mashruucan lagu dhameeyo 8 bilood gudahood.” Ayuu yidhi Wasiir Xuseen Axmed Caydiid.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*