Hargeysa-Guddoomiyaha cusub ee Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Xaaji Cabdi Ducaale, ayaa si weyn u ammaanay guddoomiyihii xilka ka degay, Saleebaan Maxamuud Aadan, isaga oo ku bogaadiyey doorkii muuqday iyo dedaalkii dheeraa ee uu u huray Qaranka Somaliland iyo Golaha Guurtida.
Guddoomiye Muuse Xaaji Cabdi Ducaale ayaa ku tilmaamay Saleebaan Maxamuud Aadan hoggaamiye qaran oo muddo dheer si hufan, xilkasnimo iyo daacadnimo leh ugu adeegay dalkiisa iyo dadkiisa, kana soo baxay waajibaadkii loo igmaday.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in waxqabadkii iyo hoggaamintii Saleebaan ay raad muuqda ku reebeen Golaha Guurtida iyo geeddi-socodka dhismaha qaranka.
Waxaa uu yidhi “Waxaan u mahadcelinayaa Gudoomiye Saleebaan oo Dalkan Tacab badan gashaday”


Be the first to comment