𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐛-𝐮-𝐝𝐡𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐮𝐮𝐪𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐈𝐝𝐚𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa saaka ka qayb-galay munaasabadda Dhagax-dhigga Dib-u-dhiska Suuqa Idaacadda ee magaalada Hargeysa, suuqaasi oo dab xooggan oo ka kacay horraantii 2025-kii .

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo munaasibadda ka jeediyey hadal qiimo leh ayaa sheegay in Xukuumadda Wadajir iyo Wax-qabad ay tahay Xukuumad la dareen ah Shacabkaeeda isla markaana ay mudnaan gaar ah siinaysa dib-u-dhiska, horumarinta iyo casriyeynta adeegyada ganacsiga ee bulshada.

Madaxweynaha ayaa shacabka JSL ku adkeeyey ilaalinta dhulka danta guud ee Qaranka, maadaama uu laf-dhabar u yahay qorshayaasha horumarineed ee Qaranka, fiditaanka iyo bilicda magaalooyinka dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xusay in Xukuumaddu ay si joogto ah u dhiirrigelinayso koboca iyo casriyeynta suuqyada ganacsiga dalka, isaga oo ganacsatada nasiibka u yeelatay in ay ku ganacsan doonaan Suuqa Casriga ah ee Idaacadda kula dardaarmay in ay ilaaliyaan tayada, nadaafadda iyo hantida guud ee suuqa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu hoosta ka xarriiqay in ay Cashuuruhu yihiin tiirka koowaad ee horumarka iyo dhismaha Qaranka, isaga oo shacabka ugu baaqay in ay bixiyaan Cashuuraha ku waajibay, si loo dardargeliyo adeegyada muhiimka u ah nolosha bulshada iyo horumarka dalka.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Shacabka JSL ugu baaqay in ay adkeeyaan ilaalinta amniga, xasilloonida iyo wadajirka ummadda, kuwaasi oo saldhig u ah horumarka iyo hiigsiga Qaranka JSL.

𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇

𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫),

𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*