Wasiirka Daakhiliga oo Shir la Yeeshay Guddoomiyeyaasha Gobollada.

Hargeysa-Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga JSL Mudane Cabdale Maxamed Carab, oo kulan isugu yeedhay dhamaan Gudoomiyayaasha Goboladda Dalka JSL, kulan kaasi ayaa lagaga hadlay dar dar gelinta Nabad gelyada dalka guud ahaan, madaama oo ay soo socoto Munaasibada Qaran ee 18 May, iyo waliba sidii loo so dhawayn lahaa Xuska qaran.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Cabdale Maxamed Carab, oo ah gudoomiyaha Guddida diyaarinta Munaasibada 18 May, ayaa badhasaabada dalka ku amray in ay si fiican ugu diyaar garoobaan, gobol walbana si fiican looga diyaariyo Munaasibada 18 May.

Gudoomiyayaasha Gobolada Dalka, ayaa dhinacooda balan qaaday in ay si wayn ugu diyaar garoobi doonaan, una xusi doonaan Munaasibada Maalinta Qaran ee 18 May.

Guud ahaan waxa socota diyaar garowga Munaasibada 18 May, iyada oo shacabkuna ay si wayn ugu diyaar garoobeen.