Hargeysa-Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr), ayaa sheegay in hal-ku-dhegga sannadkan ee xuska 18-ka May ee “Aqoonsi iyo Adkaysi”, uu yahay mid ku habboon oo ka turjumaya halganka iyo himilada qaran ee ay u soo martay Jamhuuriyadda Somaliland madax-bannaanida iyo dawladnimadeeda qiimaha iyo qadarka weyn ku joogta.
Afhayeenku wuxuu sidaasi ku sheegay qoraal uu ku baahiyay barta X (Twitter) oo ay soo xigatay Wakaaladda wararka Somaliland (SOLNA), waxuunu xusay in 35 guurada ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madax-bannaanida Somaliland awgeed, hal-ku-dheggani uu iftiiminayo in aqoonsigu aanu ahayn wax la sugo oo keliya, haseyeeshee lagu kasbado adkaysi, midnimo, horumar iyo go’aan adag oo shacabka ka yimaadda.
Xuseen Deyr waxa uu sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland muddo kor u dhaaftay 30 sanno ay tusaale ku noqotay nabad, dimuqraaddiyad iyo isku-filnaansho ay ka hirgelisay mandaqad qalalaase badan.
Afhayeenka Madaxweynaha ayaa xusay in farriinta sannadkan loo dirayo beesha caalamku ay tahay in dedaalka Somaliland ee aqoonsi raadintu ku dhisan yahay sharciyad, rabitaanka shacabka, iyo adkaysiga joogtada ah ee muwaadiniinteeda.
Afhayeen Xuseen Deyr waxa uu tibaaxay in adkaysigu yahay tiirka ay Somaliland ku taagan tahay iyo seeska mustaqbalkeedaba.

