Hargeysa-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, ahna Afhayeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, Barkhad Jaamac Batuun, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in hal-ku-dhegga xuska 18-ka May ee sannadkan uu yahay “Aqoonsi iyo Adkaysi”, kadib markii guddiga heer qaran ee qaban-qaabada munaasabadda ay ka xuleen hal-ku-dhegyo badan oo muwaadiniintu soo gudbiyeen.
Wasiirku waxa uu sheegay in hal-ku-dhegga la doortay uu soo jeediyey muwaadin lagu magacaabo Kamaal Shaacir, isla markaana guddigu isku raacay in loo aqbalo hal-ku-dhegga rasmiga ah ee sannadkan.
Hal-ku-dheggan “Aqoonsi iyo Adkaysi” ayaa muujinaya dedaalka Somaliland ugu jirto raadinta aqoonsi caalami ah iyo adkaysiga shacabka Somaliland ku muujiyeen dhismaha nabadda, dawladnimada iyo horumarka dalka.

