Hargeysa-Waaxda Saadaasha Hawada ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shaacisay in roob xilliyeedka guโga ah ay toddobaadka soo socda ka diโi doonaan qaybo badan oo JSL ka mid ah.
Waxa Lagu wadaa inay roobab ka da’aan gobollada Saaxil, Sanaag iyo Maroodi-jeex, halka gobollo kale oo ay ka mid yihiin Sool, Togdheer iyo Awdal laga filayo roobab dhexdhexaad ah ka da’aan.
Wasaaradda Beeruhu waxay sheegtay in roobabkani faaโiido weyn u yeelan doonaan beeraha, daaqa iyo biyaha, balse ay jiri karto khatar daadad iyo waxyeello ka dhalata roobabka culus, iyadoo bulshada loogu baaqay inay la socdaan warbixinaha cimilada ee rasmiga ah.


