Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Oo Qabatay Shirka Daneeyayaasha Beeraha (ATWG).

Hargeysa- Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL ayaa qabatay kulan muhiim ah oo ahaa Shirka Daneeyayaasha Beeraha (Agricultural Technical Working Group – ATWG), kaas oo lagu xoojiyay iskaashiga, isku-duwidda iyo horumarinta waxqabadka ee dhinaca beeraha.

Kulankan oo uu furay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda, Eng. Maaliki Cabdi Xasan, ayaa lagu muujiyay muhiimadda ay beeruhu u leeyihiin horumarka dalka, isaga oo ku boorriyay hay’adaha inay sii xoojiyaan wada-shaqaynta iyo is-weydaarsiga xogta.

Kulanka waxaa ka qayb galay Agaasimaha Waaxda Qorshaynta iyo Siyaasadda, Maxamed Sahal Iidle, Agaasime waaxeedyada Wasaaradda qaar ka mid ah iyo hay’adaha kala duwan iyo daneeyayaasha kale ee ka shaqeeya beeraha, kuwaas oo soo bandhigay warbixinno ku saabsan waxqabadkooda saddex-biloodka ahaa iyo hawl qabadyada u qorshaysan.

Intii uu kulanku socday, waxaa diiradda la saaray horumarka mashaariicda beeraha, taageerada la siiyo beeralayda, arrimaha suuqyada iyo suuqgeynta, helitaanka maalgelinta, iyo sida hawlaha loo waafajin karo qorshayaasha qaranka.

Ugu dambayn, kulanka ayaa lagu soo gabagabeeyay in soo saarista qodobo wax-ku-ool ah oo lagu horumarinayo wada-shaqaynta, joogtaynta warbixinnada, iyo xoojinta hirgelinta mashaariicda, si loo hubiyo in taageerada la gaadhsiinayo beeralayda ay noqoto mid isku-duuban, wax ku ool ah, isla markaana waafaqsan baahiyaha xilliyeed.