Hargeysa-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Afhayeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Barkhad Jaamac Xirsi (Batuun), ayaa soo dhaweeyey safiirka cusub ee ay dawladda Israa’iil u soo magacowday Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo tallaabadan ku tilmaamay mid muujinaysa jihada cusub ee xidhiidhada diblomaasiyadeed ee dalka JSL.
Wasiir Barkhad oo maanta xafiiskiisa ku qabtay shir jaraa’id ayaa sheegay in magacaabistaasi ay tahay “tusbax furmay iyo tareen dhaqaaqay,” isagoo xusay in horumarkaasi aanay waxba ka beddelin karin dawladda aan iskeed isku maamuli karin ee Soomaaliya.
waxaanu si adag ugu jawaabay maamulka Muqdisho. Wasiirka Warfaafintu Waxa uu tilmaamay in geeddi-socodka ay Somaliland ku kasbanayso aqoonsi iyo xidhiidho caalami ahi uu yahay mid si joogto ah u socda, isla markaana aan dib looga celin karin.
Mudane Batuun waxa uu shacabka Somaliland ugu baaqay inay xoojiyaan midnimada iyo wadajirkooda, isla markaana ay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara kala-qaybsanaan.
Wasiirku waxa uu tibaaxay in muhiimadda ay leedahay ilaalinta qiyamka qarannimada, si loo xaqiijiyo himilooyinka waaweyn ee dalka.
Ugu dambayn, Wasiirka Warfaafintu wuxuu caddeeyay in guulaha la gaadhay ay ka dhasheen hoggaaminta iyo jihaynta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), isaga tilmaamay taariikhda qormaysa aanay cidina waxba ka beddeli karin.

