Israel oo Danjire Ruugcadaa ah u soo Magacowday Somaliland.

Hargeysa-Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel Gideon Sa’ar, ayaa maanta magacaabay safiirka dalkiisa u Fadhi doona Jamhuuriyadda Somaliland, kaasi oo loo magacaabay Danjire khibrad sare u leh diblomaasiyadda oo la yidhaahdo Michael Lotem.

Warbaahinta Israel ayaa warkan baahisay caawa, waxaanay sheegeen in Israel ay magacowday danjiraheedii u horreeyay ee u fadhiyi doona Jamhuuriyadda Somaliland.

Magacaabista Danjire Michael Lotem, ayaa looga gol leeyahay xoojinta xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Israel.Danjirahan ayaa xilligan ahaa Safiir dhaqaale oo Israel u qaabilsanaa Afrika.

Waxa kaloo uu hore safiir uga soo noqday Kenya,Kazakhstan iyo Aserbajaan.Jamhuuriyadda Somaliland ayaa hore u magacowday Safiirka JSL u fadhiyi doona Israel, waxaanay tallaabooyinkani qayb ka yihiin qorshaha iskaashiga labada dal.