Hal Qof oo ku Dhintay Shil ka Dhacay Buurta Sheekh.

Sheekh-Ciidanka Dabdamiska iyo Samatobixinta Degmada Sheekh ee Gobolka Saaxil, ayaa sheegay in hal qof uu ku geeriyooday, mid kalena uu ku dhaawacmay shil gaadhi oo saaka ka dhacay dawga Sheekh.

Gaadhiga oo siday 300 oo neef oo adhi ah ayaa dooxa ka dhacay, waxana halkaasi ku le’day 270 neef, iyadoo 30 kale la badbaadiyay.

Ciidanka ayaa ku guulaystay soo saarista bakhtiga iyo dhaawaca iyo xoolihii noolaa.

Ciidanka Dabdamiska ayaa darawallada uga baaqay inay yareeyaan xawaaraha marka ay marayaan dawga Sheekh si looga hortago shilal kale.