Warbixinta Xukuumadda Somaliland ee Saadaasha Roobka Toddobaadkan.

Hargeysa-Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan Waaxda Saadaasha Hawada, ayaa soo saartay warbixin ku saabsan saadaasha roobabka xilliga gu’ga, taas oo tilmaamaysa in roobab kala duwan ay ka di’i doonaan qeybo ka mid ah dalka Jamhuuriyadda Somaliland inta u dhexaysa 11-ka ilaa 17-ka April 2026.

Warbixintu waxay muujisay in gobollada Awdal, Maroodi-jeex iyo Saaxil la filayo inay helaan roobab dhexdhexaad ah oo u dhexeeya 40mm ilaa 50mm, halka gobollada Togdheer, Sanaag iyo qeybo ka mid ah Sool ay ka di’i doonaan roobab ka hooseeya heerkaas, oo lagu qiyaasay 20mm ilaa 30mm.

Saadaasha wasaaradda beeruhu odorostay kala duwanaansho muuqda oo ku saabsan sida roobabku ugu fidi doonaan dalka.Sidoo kale, xogta la ururiyey toddobaadkii hore ee bisha April ayaa iftiimisay in meelaha qaar ay heleen roobab aad u badan, iyadoo magaalooyinka sida Xeego, Gumburaha, iyo Xariiirad ay ka mid yihiin goobaha ugu sarreeya ee roobka roobabka waaweyni ka da’een.

Dhinaca kale, deegaanno kale ayaa helay roobab dhexdhexaad ah ama hooseeya, taas oo muujinaysa kala sarreynta iyo baahsanaanta roobabka.

Saadaasha wasaaradda horumarinta beeraha ayaa xambaarsan muhiimad weyn oo la xidhiidha horumarinta beeraha, maadaama roobabku ay si toos ah u saameeyaan wax-soo-saarka dallagyada iyo helitaanka biyaha.

Khubaradu waxay tilmaamayaan in roobabka la filayo ay kordhin karaan fursadaha beerashada, balse sidoo kale ay jiraan khataro la xidhiidha daadad iyo dhibaatooyin kale oo ka iman kara roobabka xooggan.

Ugu dambayn, Wasaaradda Horumarinta Beeraha ayaa bulshada ku wargelisay inay si dhow ula socdaan xogaha saadaasha hawada, isla markaana qaataan taxaddarrada lagama maarmaanka ah si looga faa’iidaysto roobabka isla markaana looga hortago waxyeellooyinka suurtagalka ah ee ka Iman karta.