Hargeysa-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, ahna Afhayeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Barkhad Jaamac Xirsi Batuun, ayaa maanta ballan-qaaday in la dardargelin doono hawlaha ay qaranka u hayso Wasaaradda Warfaafintu, isla markaana kor loo qaadi doono waxqabadkeeda si loo hirgeliyo siyaasadda wacyigelinta iyo mideynta bulshada.
Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay kadib kormeer ballaadhan oo uu ku soo maray waaxaha iyo qeybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Wasaaradda Warfaafintu, halkaas oo uu warbixinno kala duwan kaga dhegaystay agaasimayaasha waaxyaha iyo shaqaalaha ka hawlgala xafiisyada wasaaradda.
Kormeerkan waxa wasiirka ku wehelinayay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdisalaan Maxamuud Ducaale (Ilka-case), iyo agaasimayaasha waaxyaha kala duwan.
Wasiirka Warfaafinta ayaa xusay in muhiimad gaar ah la siin doono kor u qaadista tayada shaqada iyo xoojinta wada shaqaynta gudaha ee wasaaradda, isaga oo carrabka ku adkeeyay in si wadajir ah loogu hawlgeli doono gaadhista yoolalka wasaaradda iyo fulinta siyaasadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.
Intaasi kadib, Wasiirku waxa uu kulan ballaadhan la yeeshay guud ahaan shaqaalaha wasaaradda ee xarunta Hargeysa, halkaas oo uu kaga dhegaystay talooyin iyo soo jeedimo ay soo bandhigeen shaqaalaha iyo madaxda waaxyaha, kuwaas oo la xidhiidha horumarinta shaqada iyo wax ka qabashada caqabadaha jira.
Gabagabadii, Wasiirka Warfaafinta ayaa ballan-qaaday in la tixgelin doono talooyinka shaqaalaha iyo khibradda ruug-caddaaga wasaaradda, isla markaana wixii suurtogal ah laga fulin doono.
Wasiirku waxa uu sidoo kale u mahadceliyay shaqaalaha iyo madaxda wasaaradda ee sida diirran u soo dhaweeyay.
Waxa kaloo kulankaasi ka hadlay Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Md. Muuse Askar Guulleed iyo agaasimaha Guud Cabdisalaan Maxamuud Ducaale (Ilkacase), kuwaasi oo ka warramay Hawlaha wasaaradda u qabsoomay iyo hadafyada ay wasaaraddu hiigsanayso.

