Ciidanka Booliska oo Qabtay Saddex Eedaysane oo lagu Tuhunsan yahay Xatooyo .

Hargeysa-Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa hawlgal ay fuliyeen ku soo qabtay saddex eedaysane oo ku eedaysan inay jabsadeen bakhaar ku yaalla Degmada 26-ka Juun ee magaalada Hargeysa, kuwaas oo falka lagu eedeeyay ay qabatay kamarada qarsoon oo CCTV ah.

Taliska Ciidanka Booliska JSL ayaa sheegay in saddexda eedaysane haatan lagu hayo Saldhigga Booliska ee Daloodho ee magaalada Hargeysa, kadib markii si degdeg ah loo soo qabtay xilli habeenimo ah.

Sida uu sheegay Taliyaha Booliska Sareeye Guuto Cabdi Dheere, eedaysanayaashan ayaa hore loogu arkay baraha bulshada iyaga oo ku jira falka xatooyada, waxaana ciidanku ku guulaysteen in ay xalay saqdii dhexe hawlgal gaar ah ku soo qabtaan, isla markaana ay si toos ah ugu wareejiyaan saldhigga Daloodho.

Kamarada qaraoon ayaa soo kordhisay faa’iidooyin iskugu kuwo amni iyo qaar la xidhiidha ilaalinta hantida ummadda. Iyadoo kamaradaha qarsooni sababeen in hore loo aqoonsado dambiileyaasha kala duwan.