Kulan Lagu Sagootiyay Guddida Agaasimeyaasha Baanka oo lagu Qabtay Hargeysa.

Hargeysa-Guddoonka Baanka Dhexe ee Somaliland ayaa maanta qabtay kulankii saddex-biloodlaha ahaa, kaas oo sidoo kale ahaa kulankii ugu dambeeyey ee Guddidii hore ee Agaasimayaasha Baanka (Board of Directors).

Kulanka waxa shir-guddoominayey Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland, ahna Guddoomiyaha Guddida Board of Directors, Mudane Cabdinaasir Axmed Xirsi, waxaana ku wehelinayey Guddoomiye Ku-xigeenka Baanka Mudane Xamse Cabdiraxmaan Khayre iyo Agaasimaha Guud ee Baanka Mudane Yaasiin Jaamac Axmed.

Kulankaas ayaa diiradda lagu saaray mahadcelin iyo sagootin loo sameeyay xubnihii hore ee Guddida Agaasimayaasha Baanka, kuwaas oo lagu ammaanay muddadii ay la soo shaqeeyeen Baanka Dhexe ee Somaliland, isla markaana Laga faa’iidaysatay aqoontooda iyo khibraddooda horumarinta baanka.

Kulankaas waxa si toos ah uga soo qayb-galay dhammaan xubnaha guddida, halka qaar kalena kalena ay kaga qayb-galeen habka fogaan-aragga ee ZOOM.