Wasaaradda Maaliyadda oo soo xidhay tabobar kor u qaadaya baadhista gudaha.

Hargeysa- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Xasan Saleebaan, ayaa si rasmi ah u soo xidhay tabobar socday muddo 15 maalmood ah oo loo qabtay masuuliyiinta iyo hawl-wadeenada Waaxda Baadhista Gudaha ee wasaaradda.

Tabobarkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo tayada shaqo iyo hufnaanta nidaamka maaliyadeed ee dalka.

Tabobarka oo ay si wadajir ah u hirgeliyeen Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Adduunka, waxaa fulintiisa gacanta ku hayey shirkadda maxalliga ah ee Merit Advisory Services LLP iyo shirkadda caalamiga ah ee Crowe International COR LLP.

Waxa ka faa’iidaystay 60 ka-qaybgale oo isugu jira shaqaalaha waaxda hantidhawrka gudaha, saraakiil ka socotay Xafiiska Hantidhawrka Guud, waaxyaha kala duwan ee wasaaradda, iyo sidoo kale laamaha baadhista gudaha ee ku dhawaad 10 wasaaradood oo muhiim ah.

Ujeeddada tabobarkan ayaa ahayd in la kordhiyo aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha si loo xoojiyo awoodda hawl-qabadka, wax-soo-saarka, iyo fahamka ku-dhaqanka xeerarka iyo habraacyada maaliyadeed ee dalka.

Tabobarkan oo ah wejigii labaad, waxa uu si gaar ah uga mid yahay qorshayaasha joogtada ah ee Wasaaradda Maaliyaddu ku horumarinayso nidaamyada maamul-wanaagga iyo tayeynta adeegyada maaliyadeed.

Sidoo kale, tabobarku waxa uu xoogga saaray in habraacyada maaliyadeed, gaar ahaan kuwa la xidhiidha maaraynta dakhliga, loo fuliyo si waafaqsan xeerarka dalka, siyaasadaha wasaaradda, iyo mabaadi’da isla-xisaabtanka.

Intii uu socday, waxaa si qoto dheer diiradda loogu saaray kor u qaadista aqoonta xirfadeed ee shaqaalaha, mideynta fahamka habraacyada dakhliga si loo yareeyo kala-duwanaanshaha fasiraadda, iyo xoojinta kalsoonida gudaha iyadoo la horumarinayo nidaamyada kormeerka iyo dabagalka.