Hargeysa-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, ayaa maanta soo xidhay kulan hawleed socday muddo laba maalmood ah, kaas oo lagu dhammeystirayay dib-u-eegista waxqabadkii Mashruuca Qaran ee Xakameynta Duumada, iyo hirgelinta Qorshihii Qaran ee Shan Sannadeedka ahaa.
Masuuliyiintii goobjooga ka ahayd xidhitaanka kulan hawleedkan ayaa sheegay in ujeeddada dib-u-eegistani ahayd qiimeynta waxqabadkii la gaadhay, caqabadihii jiray, iyo casharradii laga bartay muddadii la soo dhaafay.
Waxay sido kale Xuseen in natiijooyinka dib-u-eegistani ay hagayaan diyaarinta qorshaha cusub ee shanta sannadood ee soo socda lagu fulin doono mashruuca.
Agaasimaha Guud ayaa bogaadiyay hoggaanka mashruuca, hawlwadeennada xafiiska, iyo guud ahaan Waaxda Caafimaadka Guud ee Wasaaradda, isaga oo ku ammaanay isbeddelka iyo dadaalka muuqda ee ay muujiyeen.
Ugu dambayn, waxa uu mahadcelin gaar ah u jeediyay hay’adaha WHO iyo UNICEF, oo door muhiim ah ka qaatay taageerada dib-u-eegistan.
