Hargeysa-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa soo saaray amar culus oo ku wajahan ciidamada kala duwan ee dalka, kaas oo la xidhiidha xoojinta nabadeynta iyo sugidda amniga gobollada Salel iyo Awdal.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa faray Ciidanka Milateriga inay si adag uga hortagaan cid kasta oo diidan ama ka hor imanaysa talada dowladda iyo odayaasha dhaqanka ee ku hawlan dadaallada nabadeynta.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in ciidamada looga baahan yahay inay qaadaan tallaabooyin cad oo ka dhan ah shaqsiyaadka ama kooxaha carqaladeynaya hirgelinta amarrada dowladda.
Sidoo kale, Madaxweyne ku-xigeenka ayaa tilmaamay in aan la aqbali doonin wax kasta oo khalkhal gelinaya amniga iyo kala dambeynta, isaga oo faray Ciidanka Booliska inay si buuxda u xaqiijiyaan nabadgelyada magaalooyinka iyo miyiga gobolladaasi.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa hadalkiisa ku yiri:“Jananka Ciidanka Milateriga waxa uu amar ku qabaa ciddii fulin wayda ama ka hor timaadda talada dowladda iyo odayaasha inay tallaabo cad ka qaadaan.
Ciidanka Booliskana waxaan farayaa inay si buuxda u sugaan amniga magaalooyinka iyo miyiga, cid kasta oo khalkhal gelisana ay gacan bir ah ku qabtaan. Amarkaasi sidiisa ha loo fuliyo.”

