Afhayeenka Ciidanka Booliska Oo Digniin U diray Dadka sida khaldan u isticmaala Baraha Bulshada .

Hargeysa-Afhayeenka Ciidanka Booliska JSL ayaa sheegay in Baraha Bulshada ee Internetka wakhtiyadan dambe ay aad usoo bateen dadka si khaldan u isticmaalaya islamarkaana dad ku caaya,isaga oo xusay in taasi ay tahay dhibaato weyn oo jirta.

Afhayeenka ayaa sheegay in baraha bulshada ay u muuqdaan kuwo loo adeegsado tartan ku saabsan cidda hadal xun iyo aflagaaddo badan sheegta, halkii ay ahaan lahaayeen meel wax dhista.

Wuxuu xusay in caydu leedahay laba nooc, mid lagu beegsado xukuumadda, taas oo uu sheegay in qaranku dhibane ka noqonayo, iyo mid lagu beegsado shaqsiyaad oo iyadana qofkaasi dhibane ka noqonayo.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in dad badani si gaar ah ugu jeesteen dhaliil iyo cay ay u jeedinayaan xukuumadda talada haysa ama kuwii ka horreeyay.

Afhayeenka ayaa caddeeyay in Ciidanka Boolisku ay arrintan si gaar ah uga shaqayn doonaan, isla markaana tallaabooyin laga qaadi doono.

“Barahii Bulshada waxaad moodaa inuu galay in la kala caansanaado qofba qofka uu ka cay badan yahay iyo wax xun sheeg badan yahay dhinicii xumaa ayaa loo adeegsaday. Caydu laba nooc midda xukuumadda la caayo Qarankaa dhibane ka ah ka shakhsiga la caayana qofkaa dhibane ka ah.

Waxaad moodaa dadku inay xukuumaddii sidaa ugu soo jeesteen oo xukuumadda wadanka haysa ama tii horeba ha noqotee caydeeda loo taagan yahay laakiin Boolisku arrintaa wax weyn ayuu ka qaban doonaa hadaba la soco” Afhayeenka Ciidanka Booliska JSL Gaashaanle sare Cabdicasiis Sheekh Ismaacii.