Hargeysa- Madaxda dhaqanka iyo waxgaradka deegaanka Fiqi Aadan ee gobolka Selel, ayaa shaaciyay inay diyaar u yihiin nabad, iyagoo muujiyay inay si buuxda uga goβan tahay ka shaqaynta xasilloonida iyo wada noolaanshaha bulshada.
Sida uu ku soo warramay Weriye ka Tirsan Wakaaladda wararka ee SOLNA, Waxa ay sidoo kale caddeeyeen inay dhankooda kala shaqaynayaan xukuumadda sugida amniga iyo nabadgelyada gobolka, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay iskaashiga bulshada iyo dawladdu si loo helo deganaansho waara.
Dhinaca kale, wefti ka socday xukuumadda oo uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Cabdalle Maxamed Carab, oo ku sugan deegaankaasi, ayaa madaxda dhaqanka iyo odayaasha uga mahadceliyay tallaabadan ay qaadeen, isaga oo ku ammaanay doorkooda ku wajahan nabadaynta iyo ilaalinta amniga.



