Hargeysa-Xubno ka mid ah hoggaanka sare ee xisbiga WADDANI ayaa maanta kulan is-xog-waraysi iyo soo dhawayn ah la yeeshay Wasiiru-dawlahii hore ee Wasaaradda Duulista & Hawada ee JSL Axmed Cali Baynax oo bilo ka hor ku soo biiray xisbiga WADDANI.
Kulankan oo uu shir-guddoominayey Guddoomiyaha xisbiga Mudane Xirsi Cali X. Xasan, kana qabsoomay xarunta xisbiga ayaa loogu soo dhaweeyay Axmed Cali Baynax oo ah siyaasi saamayn weyn ku leh gobollada bariga Somaliland iyo guud ahaan dalka.
Xubnaha hoggaanka sare ee xisbiga ayaa siyaasi Axmed Cali Baynax ku bogaadiyay kuna ammaanay doorka muhiimka ah ee uu ka qaatay dadaallada nabadaynta, wadajirka bulshada iyo xoojinta qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland.
Dhankiisa, Axmed Cali Baynax ayaa uga mahadceliyey hoggaanka xisbiga WADDANI soo dhawaynta diirran ee ay u sameeyeen, isaga oo ballan-qaaday in uu si weyn uga qayb qaadan doono dardar-gelinta hawlaha xisbiga.


