BurcoHargeysa-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Prof. Ismaaciil Ducaale Yuusuf, ayaa kulan shaqo kula yeeshay xarunta wasaaradda ee magaalada Burco shaqaalaha iyo masuuliyiinta heer gobol.
Kulankan ayaa ujeeddadiisu ahayd kormeer iyo qiimeyn lagu sameeyo habsami u socodka shaqada, iyo sidii loo dardargelin lahaa adeegyada waxbarasho ee ay wasaaraddu ka bixiso gobolka.
Masuuliyiinta iyo shaqaalaha xarunta ayaa wasiirka si diirran u soo dhaweeyay, iyaga oo warbixin ka siiyay xaaladda guud ee waxbarashada, hawlaha socda, iyo caqabadaha jira.
Waxay sidoo kale sharaxeen heerka adeegyada ay bixiyaan iyo sida ay uga go’an tahay horumarinta waxbarashadu.
Wasiir Prof. Ismaaciil Ducaale Yuusuf ayaa dhankiisa ku ammaanay shaqaalaha dadaalka ay ugu jiraan u adeegidda bulshada, isagoo xusay in shaqadoodu ay laf-dhabar u tahay horumarka dalka.
Waxa uu sidoo kale ballan qaaday in wasaaraddu ka shaqeyn doonto xallinta caqabadaha jira, isla markaana ay taageero buuxda siin doonto shaqaalaha si ay u gutaan waajibaadkooda.





