Wasiirka Gaadiidka iyo Jidadka oo Kormeeray Biriishka Halleeya.

Hargeysa-Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Mudane Cismaan Ibraahim Nuur (Afgaab), Maareeyaha Hay’adda Horumarinta Waddooyinka Mudane Maxamed Faarax Cabdi oo uu weheliyo Maayirka Caasimadda Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge iyo Xoghayaha Dawladda Hoose, ayaa kormeer ku tegay Biriishka waddada Haleeya ee Caasimadda Hargeysa, kaasi oo waxyeello ka soo gaadhay roobabkii da’ayay habeennadii u dambeeyay.

Masuuliyiintan ayaa warbixin faahfaahsan ka dhagaystay injineerada gacanta ku haya hawsha Dayactirka, kuwaas oo loo xilsaaray in si degdeg ah wax looga qabto dhaawaca soo gaadhay biriishka, si loo hubiyo bad-qabka gaadiidka iyo isu socodka bulshada.