Hargeysa— Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday go’aan cusub oo wax ka beddelaya qiimaha shidaalka dalka, kaddib shir muhiim ah oo ka qabsoomay xafiiska Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska.
Shirkaasi oo ay ka qayb galeen masuuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo ganacsatada keenta shidaalka, ayaa lagu falanqeeyey xaaladda suuqyada shidaalka iyo duruufaha dhaqaale ee jira, iyadoo ugu dambayn la isla qaatay in dib u habeyn lagu sameeyo qiimaha.
Go’aanka cusub ayaa dhigaya in naaftada halkii litir lagu iibiyo 10,500 SLSH, halka baatroolkana lagu go’aamiyey 12,500 SLSH halkii litir.
Masuuliyiinta iyo ganacsatada ayaa si wadajir ah u sheegay in tallaabadan ay salka ku hayso la qabsiga xaaladaha dhaqaale ee taagan, isla markaana ujeeddadeedu tahay xasilinta suuqyada shidaalka iyo ilaalinta isu dheelitirka qiimaha.



