Adeegyo Caafimaad oo Laga Fuliyay Sallaxley iyo Bali-mataan.

Hargeysa-Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa ka fulisay deegaanada hoos yimaada degmooyinka Sallaxlay iyo Balimataan adeeg caafimaad oo ah outreach dhamaystiran, kaas oo laga hirgeliyey in ka badan labaatan tuulo oo ka tirsan labadaas deegaan.

Adeegan caafimaad ayaa waxa ka qayb qaatay dhakhaatiir kala duwan, kalkaaliyeyaal (nurses), iyo umulisooyin (midwives), iyadoo ujeedadu tahay ka jawaabista xaalad xumad baahsan oo ka jirtay deegaanadaas, taas oo sababtay in dad badan ay saamayso xaaladdan xumadda ah ee jirtaa.

Adeeggan caafimaad waxa uu door weyn ka qaatay in la daweeyo dadkii ay saamaysay xumadda daran, isla markaana la gaadhsiiyo adeeg caafimaad oo degdeg ah.

Waftiga fulinayey adeeggan waxa ka mid ahaa madaxa qaaxada heer qaran ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Cabdiraxmaan Muuse Caalin iyo sidoo kale Madaxa Adeegyada Caafimaadka Aasaasiga heer qaran.

Madaxda ka socotay wasaaradda waxa ay la kulmeen odayaasha iyo haldoorka bulshada ee deegaanadaas, iyaga oo si toos ah u dhagaystay baahiyaha ay qabaan.

Bulshada deegaanka ayaa sheegtay in ay si weyn ugu baahan yihiin in qaar ka mid ah deegaanadaas laga hirgeliyo xarumo caafimaad oo u dhow, iyaga oo sidoo kale uga mahadnaqay wasaaradda sida ay uga soo jawaabtay ee ay usoo gaadhsiisay deegaanka adeeggan caafimaad.

Masuuliyiinta ka socotay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa cadeeyey in ay ka goโ€™an tahay in bulshada ku nool deegaanadaas la gaadhsiiyo adeeg caafimaad oo dhamaystiran, gaar ahaan meelaha ka fog xarumaha caafimaadka.