Hanti-dhawraha Guud Ee JSL oo ka Hadlay 7 Mashruuc oo ay Baadheen

Hargeysa-Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka JSL, mudane Muuse Yuusuf Idigaa ayaa sheegay in xafiskoodu baadhitaano xooggan ku sameeyey sanadkii 2025, todoba mashruuc oo kala duwan,kuwaas oo uu maalgaliyey Bangiga Adduunku, sanadkan 2026 uu baadhitaano ku samayn doono 9 mashruc oo ay maalgalinayaan Bangiga Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika.

Hantidhawruhu waxa uu sidoo kale xusay inay kormeer iyo baadhitaano ku samaynayaan mashaariico iyaguna ay fulinayaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha dowladda ee kale,ujeedada arrintaas laga leeyahay ay tahay jn la ogaado in si sax ah loo maamuulay hantida dadwaynaha.

“Sannadkii hore, Xafiiska Hanti-dhowrka Qaranku wuxuu baadhay 7 mashruuc oo Bangiga Adduunku maalgeliyey, sanadkan 2026 waxaan baadhaynaa 9 mashruuc oo Bangiga Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika maalgalinayaan.

Sidoo kale, waxaa jira in ka badan 50 mashruuc oo ay maamulaan wasaaradaha sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha, iyo kaabeyaasha dhammaantood na waanu kormeeraynaa, waana baadhaynaa.

Xoojinta awoodda Xafiiska Hanti-dhowrka waxay ka qayb qaadan doontaa hubinta in hantida dadweynaha si wanaagsan loo maamulo loona isticmaalo.” ayuu yidhi Hantidhawraha Guud ee Qaranka JSL.