Hargeysa-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL ๐๐. ๐๐๐๐๐ข๐ฅ๐๐๐ก๐ข ๐๐๐ฌ๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ayaa furay aqoon-is-weydaarsi ku saabsan kor-u-qaadista awoodda kormeerka maaliyadeed (๐ ๐ข๐๐ฎ๐๐ข๐๐ซ๐ฒ ๐๐ฏ๐๐ซ๐ฌ๐ข๐ ๐ก๐ญ) iyo xoojinta la-dagaallanka musuqmaasuqa ee mashaariicda uu maalgeliyo Bangiga Adduunku.
Aqoon-is-weydaarsigan ayey ujeeddadiisu tahay in la xoojiyo hannaanka maamul-wanaagga, isla markaana sidii loo horumarin lahaa isla xisaabtanka iyo ilaalinta hab-raacyada maaliyadeed ee mashaariicda horumarineed si loo xaqiijiyo in si haboon loo maareeyey.
Munaasabadda furitaanka waxa ka soo qayb galay masuuliyiin sare oo ka kala tirsan hayโaddaha Dawladda, kuwaas oo ay ka mid yihiin Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka, Guddoomiyaha Komishanka Maamul-wanaagga, toban Agaasime Guud oo ka kala socday hayโaddaha Dowladda, Isu-duwayaasha mashaariicda Bangiga Adduunka iyo masuuliyiin kale.
Inta uu socdo aqoon-is-weydaarsigu, waxa diiradda lagu saari doonaa xoojinta fahamka ka qaybgalayaasha ee hababka kormeerka maaliyadeed, aqoonsiga khataraha musuqmaasuqa iyo hirgelinta tallaabooyin wax-ku-ool ah oo lagaga hortagayo isla markaana lagu yaraynayo khaladaadka maamul iyo kuwa maaliyadeed.
Wajiga koowaad ee tababarkan ayaa si rasmi ah uga bilaabmay magaalada Hargeysa, halka wajiga labaad la qorsheeyey inuu ka qabsoomo magaalada Nairobi, si loo sii xoojiyo aqoonta iyo is-weydaarsiga khibradaha heer caalami.




