Hargeysa-Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Xuseen Aadan Cige (Deyr), ayaa milgo leh ugu mahadnaqay Xildhibaan John W. Rose iyo mudanayaasha kale ee Golaha Congress-ka Mareykanka, kuwaas oo soo bandhigay hindise-sharciyeedka H.R. 7993, oo ku saabsan “Helitaanka Dhaqaalaha iyo fursadaha Somaliland.
“Afhayeenku wuxuu iftiimiyay in muddo 35 sanno ah Somaliland si caddaalad darro ah looga reebay nidaamyada maaliyaddeed ee caalamiga ah, iyadoo ah dal xasiloon oo leh dawlad shaqeynaysa oo dimuqraaddi ah, isla markaana leh ahmiyad istaraatijiyaddeed.
Afhayeen Xuseen Deyr wuxuu sidaas ku faahfaahiyay qoraal ay soo xigatay Wakaaladda wararka Somaliland (SOLNA), oo uu ku baahiyay barta X(Twitter), waxaannu tibaaxay in hindise-sharciyeedkani uu yahay isbeddel weyn oo taariikhi ah, maadaama uu Somaliland u furayo jid ay ku gaadho bangiyada caalamiga ah, soo jiidashada maalgashiga, iyo ka qaybgalka buuxa ee dhaqaalaha adduunka.
Sidoo kale, wuxuu xusay in tallaabadani ay farriin cad u dirayso beesha caalamka, taasoo ah in Somaliland aan mar dambe la iska indho-tiri karin.Afhayeenka madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray in arrintani aanay ku koobnayn oo keliya horumar dhaqaale, hase ahaatee ay tahay tallaabo istiraatiiji ah oo Somaliland u sii dhaweynaysa kaalinteeda saxda ah ee ay ku leedahay caalamka.
Xuseen Deyr wuxuu hoosta ka xariiqay in hindise-sharciyeedkani uu muujinayo isbeddel muuqda oo la xidhiidha fahamka iyo aqoonsiga ay Somaliland ka helayso goobo muhiim ah oo siyaasaddeed, isla markaana caddeynaya in ka mid noqoshada nidaamka dhaqaalaha caalamiga ahi ay yahay mid xaq u leedahay.

