Hargeysa-Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa caddaysay inay si adag uga hortagayso ka ganacsiga sharci-darrada ah ee Harimo-cadka duurjoogta ah, sida uu caddeeyay Wasiirka Deegaanka iyo isbeddelka cimilada, Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire).
Wasiir Cabdilaahi Geeljire wuxuu sidaasi ku sheegay mar uu la hadlay Wakaaladda wararka ee AFP oo ay soo xigatay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, waxaanu masiibo ku tilmaamay haddii uu sii socdo ka Ganacsiga duurtjoogta uu u horreeyo Harimocadku.
Wasiirka Deegaanka wuxuu intaas ku daray in Xukuumadda Somaliland ay si weyn uga hawlgalayso suulinta ugaadhsiga iyo ka Ganacsiga duurjoogta.
Xarunta ay Somaliland ka furtay Hay’ad caalami ah oo ka shaqeysa daryeelka Harimo-cadka Afrika (CCF), ayaa lagu xanaaneeyaa Harimo-cadka, waxana loogu talogalay in marka la daryeello dib loogu celiyo noloshoodii duurka ee dabiiciga ahayd.
Warku wuxuu intaas ku daray inay jirto yiddidiillo mustaqbalka ah oo Xarunta CCF ay ku diyaarinayso aag ballaadhan oo 1,500 higtar ah oo loo asteeyay in Harimo-cadka da’da yar lagu soo celiyo duurka, iyadoo xilligan Jamhuuriyadda Somaliland lagu daryeelo 127 Harimocad oo intooda badan dad ka ganacsanayay laga soo badbaadiyay.

