Danjire Good oo soo Dhaweeyay Hindise Sharciyeed Dan u ah Somaliland oo la Geeyay Congress-ka.

Washington- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa soo dhawaysay hindisaha sharci ee helitaanka dhaqaallaha iyo fursadaha Somaliland ee uu Aqalka Congress-ka Maraykanka hor dhigay Xildhibaan John Rose oo ka mid ah Mudaneyaasha Congress-ka Maraykanka.

Xeerkan uu xildhibaan John Rose gudbiyey oo ay taageereen mudaneyaal kale oo Congress-ka ka tirsan oo ay oo kala ah Pat Harrigan iyo Andy Ogles ayaa ka mid dedaalka Jamhuuriyadda Somaliland ugu jirto sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka dhaqaalle iyo Amni ee u dhexeeya Maraykanka iyo JSL.

Bashiir Sheekh Cumar Good oo ah Wakiilka dawladda Somaliland ee waddanka Maraykanka ayaa hadlay hindise-sharciyeedkan, waxaanu bogaadiyey Md. John Rose iyo saaxiibadiisa kale ee Congress-ka Maraykanka ee xeerkan gudbiyey kaasi oo uu ku tilmaamay mid qayb libaax ka qaadan doona qaabka ay bangiyada caalamiga ahi ula macaamilaan dunida ee loo yaqaanno SWIFT.

Amb. Bashiir Sheekh Cumar Good, waxa uu sheegay in dedaal badan oo xukuumaddu samaysay ay suurto gashay Jimcihii in xildhibaan John Rose iyo saaxiibada kale ee Somaliland ku leedahay congresku ay golahooda hor dhigaan hindisahan fursada u siinaya Somaliland inay macaamil toos ah la yeelato bangiyada dalkaas ku yaalla iyo kuwo kale ee caalamkga ahba.

Hindise sharciyeedkani waxa uu farayaa Xoghayaha Maaliyadda Maraykanka inuu 180 maalmood gudahood u gudbiyo Kongareeska warbixin dhammaystiran oo ka hadlaysa caqabadaha, u hoggaansanaanta shuruucda caalamiga ah, iyo tallaabooyin lagu xoojinayo hufnaanta iyo kalsoonida nidaamka maaliyaddeed ee Somaliland.

Siday ku warrantay Wakaaladda Wararka ee SOLNA, oo soo xiganaysay ilo kala duwan, Hindise-sharciyeedkan ayaa sidoo kale aqoonsanaya doorka istiraatiijiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ee gobolka, isagoo muujinaya in nidaam maaliyaddeed oo hufan uu muhiim u yahay xasiloonida iyo horumarka dhaqaalaha.

Hindisahan ayaa fure u noqon kara furitaanka fursado cusub oo dhaqaale iyo xoojinta kalsoonida maalgashadayaasha caalamiga ah ee ku wajahan Jamhuuriyadda Somaliland.