Hargeysa-Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si mug leh u soo dhaweeyay hindise sharciyeedka uu Kongareeska Maraykanka u Gudbiyay Xildhibaan John Rose, kaas oo ah “Xeerka helitaanka Dhaqaalaha iyo fursadaha Somaliland” oo gacan ka geysaydanaya taageerada horumarinta nidaamka maaliyaddeed ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Guddoomiye ku-xigeenka Baanka Dhexe, Xamse Cabdiraxmaan Khayre, ayaa tilmaamay in tallaabadan ay tahay mid taariikhi ah oo muujinaysa xiisaha iyo muhiimadda ay quwadaha dhaqaalaha adduunku siinayaan koboca nidaamka maaliyaddeed ee Somaliland.
Guddoomiye kuxigeenka Baanka wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada oo ay soo xigatay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, waxaannu xusay in hindise sharciyeedkan uu yahay aqoonsi dhab ah oo ka tarjumaya miisaanka Somaliland ee caalamka, isla markaana iftiiminaya baahida loo qabo in la xoojiyo nidaamka maaliyaddeed si uu ula jaanqaado heerarka caalamiga ah kaasi oo Somaliland juhdi weyn gelisay.
Guddoomiye Xamse Khayre waxa uu sidoo kale tibaaxay in aqoonsigaasi uu fure u yahay horumarka Hay’adaha maaliyaddeed ee Somaliland, taasi kor u qaadayaa kalsoonida laguna horumarinayo hayโadaha maaliyaddeed ee dalka.Ugu dambayn, Baanka Dhexe ayaa muujiyay in Somaliland ay si firfircoon isu diyaarinayso ku biirista nidaamka maaliyaddeed ee caalamiga ah, iyada oo ka faaโiidaysanaysa fursadaha ka dhallan kara hindise sharciyeedkan.
Waxaannu mahadceliyay Xildhibaan John W. Rose oo curiyay mashruucan, iyo hayโadaha Somaliland ee ka shaqeeyay hirgelintiisa, gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Safaaradda Somaliland ee Maraykanka.


