Warbixin Lafo-gurtay Ahmiyadda Juquraafi Siyaasaddeed ee Somaliland .

Hargeysa-Warbixin ay baahisay warbaahinta caalamiga ah ee Horn Lens, ayaa daaha ka rogtay xiisaha sii kordhaya ee Maraykanka u qabo xeebaha Somaliland, gaar ahaan marsada Berbera, taas oo Pentagon-ku u arko meel istaraatiiji ah oo lagu dhisi karo shabakad inkaaniyaadka millatari ah adkaysi leh.

Warbixintu waxay xustay in Maraykanku ay si tartiib ah oo qorshaysan ugu soo jeedsanayso Berbera si ay u hesho xarun lagu kalsoonaan karo oo beddel u noqon karta caqabadaha amni iyo cidhiidhiga juquraafi-siyaasaddeed ee ka jira Jabuuti, isla markaana muhiim u ah la socodka iyo ilaalinta marinka ganacsiga ee Bab el-Mandeb, oo ka mid ah marinada ugu istaraatiijiyadda badan dunida.

Warbixintu waxay si gaar ah diirrada u saartay in Berbera ay leedahay fursado istaraatiiji ah oo si toos ah u taabanaya amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, isla markaana ay sare u qaadi karto fudaydinta hawlgallada milatari ee Maraykanka iyo xulafadiisa.

Isku xidhka kaabayaasha muhiimka ah ee magaalo xeebeeda Berbera gaar ahaan dekedda casriga ah iyo garoonka diyaaradaha; ayaa lagu tilmaamay kuwo Berbera ka dhigaya xarun awood u leh sugidda amniga badda, fududaynta Hawlaha millatari, iyo baahida awoodda hawlgallada ee gobolka, iyadoo sidoo kale yareynaysa ku tiirsanaanta hal saldhig sida Jabuuti.

Warbixinta Horn Lens, waxay ku soo gebogebaysay in kor u kaca muhiimadda Berbera uu ka turjumayo sida Somaliland ay si degdeg ah u noqotay goob istaraatiiji ah oo ku jirta loolanka juquraafi-siyaasaddeed ee u dhexeeya quwadaha waaweyn ee caalamka, gaar ahaan kuwa danaynaya amniga marinnada ganacsiga iyo awoodda badda.