Guddida Mashruuca SINAAN oo Qiimeeyay Horumarka iyo Natiijooyinka Laga Gaadhay.

Guddida heer Wasiir iyo xubnaha farsamada ee mashruuca SINAAN ayaa yeeshay shirkoodii labaad, kaas oo ka qabsoomay Ambassador Hotel, iyadoo kulankaas lagu qiimaynayey heerka uu marayo mashruuca iyo guulaha laga gaadhay tan iyo markii la bilaabay.

Kulankan waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Xasan Axmed Ducaale, Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dawladaha Hoose, iyo sidoo kale wakiillo ka socday qaar ka mid ah wasaaradaha uu mashruucu khuseeyo.

Sidoo kale, kulanka waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka socday Hay’adda DT Global, Xafiiska Dawladda Ingiriiska, iyo masuuliyiinta degmooyinka Burco iyo Tog-Wajaale, kuwaas oo si wadajir ah uga wada hadlay horumarka mashruuca SINAAN iyo doorka uu ka qaadanayo xoojinta horumarinta magaalooyinka iyo maamulka dawladaha hoose.