Maraykanka oo Daraasaynaya Ahmiyadda Istaraatajiyaddeed ee Somaliland.

Hargeysa-Maraykanka ayaa Jamhuuriyadda Somaliland u soo diray Masuuliyiin oo ka tirsan hay’adaha sirdoonka oo loo xilsaaray inay soo dersaan ahmiyadda istiraatiijiyaddeed ee uu ka heli karo haddii uu aqoonsi rasmi ah siiyo Somaliland.

Tallaabadan ayaa ka turjumaysa sida baaxada leh baaraandegayso suurtagalnimada aqoonsiga, iyadoo arrintan lala xidhiidhinayo muhiimadda istiraatiijiyadeed ee ay Somaliland ku leedahay Geeska Afrika iyo marin-biyoodka gacanka Cadmeed.

Warbaahinta Bloomberg ayaa sheegtay in Somaliland ay hore ugu boorisay Maraykanka inuu si rasmi ah u ictiraafo, iyadoo taas beddelkeeda soo bandhigtay inay diyaar u tahay in Maraykanku ka faa’iidaysto khayraadka iyo fursadaha istiraatiijiyaddeed ee dalka ka jira.

Dhinaca kale, Israa’iil ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay ee aqoonsada Jamhuuriyadda Somaliland dabayaaqadii 2025-kii.Warsidaha Bloomberg ayaa tibaaxay in Israa’iil iyo Somaliland la filayo inay kala saxeexdaan heshiis ballaadhan oo khuseeya iskaashiga amniga, is-weydaarsiga xogta iyo ka hortagga khataraha amni ee gobolka.

Warku wuxuu xusay in Israa’iil ay qorshaynayso inay saldhig ka samaysato xeebaha Somaliland ee ku teedsan gacanka Cadmeed, inkasta oo xukuumadda Somaliland ay sheegtay in aan weli si rasmi ah looga wada hadlin qoddobkaas.