Hargeysa- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska, Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur, oo ay wehelinayaan Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda, Mudane Jawhar Siciid Warsame, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamuud Xuseen Aadan (Jabaake), iyo Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka, Mudane Maxamed Sidiiq Dhamme, ayaa kulamo kala duwan la yeeshay ganacsatada soo dejisa shidaalka iyo raashinka.
Kulamadan ayaa ujeeddadoodu ahayd in la iska xog-waraysto saameynta dagaalka Bariga Dhexe ka socda ku yeelan karo ganacsiga dalka iyo nolosha dadweynaha reer Somaliland.
Waxa si qoto dheer oo faahfaahsan loogu gorfeeyey arrimaha la xidhiidha guud ahaan miciishada, gaar ahaan sahayda iyo sicirka raashinka iyo shidaalka la soo dejiyo.
Gabagabadii kulamada, waxa la isku raacay in si wadajir ah loola socdo xaaladaha ka soo cusboonaada dagaalkaas, isla markaana laga wada shaqeeyo tallaabo kasta oo lagu ilaalinayo xasilloonida suuqyada iyo badbaadinta miciishada bulshada.




