Hargeysa-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Xuseen Bashiir Xirsi iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dr. Axmed Maxamuud Jaamac ayaa maanta si rasmi ah xadhigga uga jaray mashruuca Dib-u-Habaynta iyo Casriyeynta Dhismaha Xafiisyada Waaxaha ee Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.
Mashruucan oo dib-u-habayn iyo qalabayn buuxda lagu sameeyey in ka badan 16 xafiis oo cusub ayaa lagu dhammaystiray agabkii shaqo ee lagama maarmaanka u ahaa hawl-fulinta maalinlaha ah.
Dhaqaalaha lagu fuliyey dib-u-habayntan waxa laga maalgeliyey Mashruuca Damal Caafimaad ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka oo uu taageero World Bank.
Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu qabtay xarunta wasaaradda ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiin ka kala socotay laamaha kala duwan ee dawladda, agaasime-waaxeedyada wasaaradda, masuuliyiin ka socotay Xafiiska Mashruuca Damal Caafimaad, shaqaale caafimaad oo door muuqda ku leh adeegga bulshada, iyo marti sharaf kale.
Intii ay munaasibaddu socotay, masuuliyiintu waxay mid mid u kormeereen qaybaha kala duwan ee dhismaha, iyagoo si toos ah u qiimeeyey tayada dib-u-habaynta iyo qalabaynta, isla markaana kulamo la yeeshay shaqaalaha ka hawlgala xafiisyadan si ay u dhegaystaan aragtiyahooda ku saabsan horumarinta hannaanka shaqo.
Masuuliyiinta Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda istiraatiijiga ah ee mashruucan, iyagoo tilmaamay in dib-u-habayntani si weyn uga qayb qaadan doonto kor u qaadidda hufnaanta, isku-xidhnaanta waaxyaha, iyo dardargelinta adeegyada maamulka.
Waxay xuseen in xafiisyadii hore ahaayeen kuwo aan ahayn deegaan ku haboon shaqada wasaaradda, taas oo saamayn ku lahayd wax-soo-saarka iyo jawiga shaqada, balse hadda ah deegaan ku haboon shaqada wasaaradu ay ugu igmantahay qaranka.
Ugu dambayn, dhismahan dib-u-habaynta lagu sameeyey ayaa la filayaa inuu si muuqata uga qayb qaato tayaynta shaqooyinka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee guud ahaan dalka, isaga oo xoojinaya kaabeyaasha maamulka ee laf-dhabarta u ah adeegyada caafimaad ee bulshada.



