Hargeys-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Jamhuuriyadda Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa naqdiyay Soomaali badan oo habaaraya inay Somaliland wax ku dhacaan.
Siyaasi Cali Mareexaan wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada, waxaanu sheegay in dadka reer Somaliland ay yihiin baaqigii ka soo badbaaday Xasuuqii iyo burburkii Soomaaliya u geysatay magaalooyinka Somaliland.
“Waxaan meelo badan ku arkayey Soomaali fara badan oo Berbera soo habaaraya, qaarkoodna waxay faafinayaan been, oo ay uga jeedaan in Berbera dhibaato soo gaadho.
Waxa qoraaladooda guhaanka ah ka muuqata in ay ku farxi lahaayeen haddii la duqeeyo Somaliland,” ayuu yidhi Cali Mareexaan.Waxa kaloo uu intaas ku daray “Xasuusta marka dib loogu noqdo, dadka iminka Somaliland ku nooli waa dadkii ka soo badbaaday xasuuqii dawladdii Soomaaliya ay u geysatay, iyaga oo aan cidna dhib ku hayn waxay dhisteen burburkii ka soo hadhay magaalooyinkoodii.
Haddaba su’aashu waxay tahay, Maxay Soomaali badani marwalba dadkan dhibaatada ula jecel yihiin?.”

