Hargeysa-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sI adag u cambaaraysay duqeymaha Iiraan ku qaaday dalalka Khaliijka carabta.
Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland oo lagu baahiyay barta X(Twitter), kaasi oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland (SOLNA), waxaanu u qornaa sidan:-
“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si adag u cambaaraysay duqeymihii ugu dambeeyay ee Iiraan ku qaaday dalal ka tirsan Khaliijka iyo Bariga Dhexe, kuwaas oo ay ku jiraan Imaaraadka Carabta, Qatar, Kuwait, Boqortooyada Baxrayn, Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo Boqortooyada Urdun.”
Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sidoo kale bayaamisay inay si buuxda u garab taagan tahay dalalka Khaliijka Carabta, iyada oo caddeysay mowqifkeeda ku wajahan siday uga soo horjeedo tallaabo kasta oo gardarro ah oo hurin karta xiisado colaadeed iyo qalalaase ka dhasha gobolka.

