Hargeysa-Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee KAAH Somaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa si adag u cambaareeyay weerarrada ay Iiraan ku qaaday qaar ka mid ah dalalka Carabta ee Khaliijka.
Qoraal rasmi ah oo uu ku baahiyay bartiisa X (Twitter hore) oo ay soo turjuntay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA ayuu Guddoomiyuhu ku sheegay in isaga oo ku hadlaya magaca xisbiga KAAH uu si cad u diidan yahay weerarrada ay Iran ku beegsatay dalalka Khaliijka, gaar ahaan Imaaraadka Carabta, Kuwait, Baxrayn, Qatar iyo Boqortooyada Sucuudi Carabiya.
Guddoomiyuhu waxa uu weerarrada ku tilmaamay kuwo gardarro ah oo si toos ah uga hor imanaya qawaaniinta caalamiga ah iyo mabaadi’da dhowrista madaxbannaanida dalalka.
Waxa uu xusay in tallaabooyinka noocan ahi ay khatar ku yihiin xasilloonida gobolka, isla markaana ay sii hurin karaan xiisadaha siyaasadeed iyo amni ee ka taagan Bariga Dhexe.
Sidoo kale, Guddoomiyaha xisbiga KAAH waxa uu muujiyay walaac ku saabsan waxyeellada soo gaadhay goobaha rayidka, inkasta oo uu tilmaamay in khasaaraha guud si weyn loo yareeyay maadaama la fashiliyay inta badan gantaalladii la soo riday.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in Iiraan aanay haysan sabab sharci ah oo ay qiil uga dhigan karto weerar ka dhan ah dalalka la daris ah oo aan dagaal toos ah kula jirin, isaga oo intaa ku daray in fidinta colaadaha noocan ahi ay horseedi karto cadaawad iyo colaad sii ballaadhan.
Ugu dambayn, Guddoomiye Maxamuud Xaashi Cabdi waxa uu garab-istaag iyo duco u diray shacabka rayidka ah ee ku nool Bariga Dhexe, isaga oo Alle uga baryay in uu ka fududeeyo dhibaatada haysata, isla markaana ka ilaaliyo waxyeello dheeraad ah inta lagu jiro marxaladdan xasaasiga ah ee gobolku marayo.

