Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo la Kulmay Isuduwayaashiisa Gobollada .

Hargeysa-Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Somaliland Sh. Cabdullahi Daahir Jaamac (Baashe) ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay isu-duwayaasha wasaaradda ee gobollada dalka, si loo dardargeliyo hawlaha shaqo iyo isku-duwidda adeegyada diineed ee guud ahaan dalka.

Kulanka waxa si gaar ah xooga loogu saaray dardar-gelinta hawlaha shaqo ee xafiisyada gobollada dalka, si loo hubiyo in adeegyada diinta iyo awqaaftu si hufan, degdeg ah, isla markaana tayo leh uga hirgalaan dhammaan gobollada Dalka.

Sidoo kale, kulanka waxa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta JSL, Mr Cabdalle Maxamed Yuusuf kaas oo ka warbixiyey hawlaha wasaaradda, lagu horumarinayo iyo qorshayaasha sanadkan 2026 ee Wasaaradda .

Wasiirku waxa uu ku adkeeyey isu-duwayaasha gobollada inay laba jibbaaraan dedaalkooda shaqo, isla markaana ay si dhow ula shaqeeyaan bulshada si loo xaqiijiyo adeeg diineed oo hufan, isla markaana gaadha dhammaan gobollada dalka.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ku xoojinayso maamul wanaagga, isla xisaabtanka, iyo tayada adeegyada ay u hayso shacabka.