Komishanka Xuquuqul insaanka oo sharci darro ku Tilmaamay Hannaanka loo maray xadhiga dhawr muwaadin.

Hargeysa-Komishanka Xuquuqda Aadamaha Qaranku, isaga oo gudanaya waajibaadkiisa ku aaddan ilaalinta iyo horumarinta xuquuqaha iyo xorriyadaha aasaasiga ah ee uu damaanad qaaday Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo heshiisyada caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha, waxa uu walaac xooggan ka muujinayaa xadhigga muwaadiniinta kor ku xusan, kaasi oo u muuqda mid aan waafaqsanayn qodobada dastuuriga ah.

Komishanku waxa uu si gaar ah u tilmaamayaa Qodobka 25aad (farqadaha 1aad iyo 2aad) ee Dastuurka, kaas oo damaanad qaadaya xorriyadda qofka iyo ka ilaalinta xadhig sharci-darro ah, iyo Qodobka 32aad (farqadda 1aad), oo si cad u dammaanad qaadaya xorriyadda hadalka iyo ra’yiga.

Ugu dambayn, Komishanka Xuquuqda Aadamaha Qaranku waxa uu ugu baaqayaa hay’adaha ay khusayso in ay xaqiijiyaan in muwaadiniintani helaan dhammaan xuquuqdooda cadaaladeed, isla markaana la dhowro habraacyada sharci ee waafaqsan Dastuurka iyo mabaadi’da caddaaladda.