Wasaaradda Waxbarashada Somaliland oo Shir la Yeellatay Wadaagayaasha Waxbarashada.

Hargeysa-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska Somaliland, Prof. Ismaaciil Ducaale Yuusuf, iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda, Cabdiraxmaan Xuseen Xirsi, ayaa si wadajir ah u guddoomiyey shirka bilaha ah ee wadaagayaasha waxbarashada (Stakeholders) iyo madaxda wasaaradda, kaas oo lagu qabtay xarunta wasaaradda

.Shirkan ayaa diiradda lagu saaray horumarinta waxbarashada dalka iyo xoojinta kaalinta hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ee ka qayb qaata horumarinta waxbarashada Somaliland.

Waxa lagu falanqeeyay warbixinno ay soo bandhigeen waaxyaha kala duwan ee wasaaradda, gaar ahaan Access, Quality, EiE, Gender iyo Governance, kuwaas oo ka xog-warramay waxqabadkii bishii la soo dhaafay iyo qorshayaasha bisha soo socota.

Sidoo kale, waxaa shirkan lagu soo bandhigay daraasad ku saabsan mashruuca Climate Smart Education, oo ay ugu muhiimsanayd samaynta khariidad isku-dhafan oo lagu hagaajinayo qorsheynta waxbarashada ku habboon isbeddelka cimilada.