Wasiirka Xannaanada Xoolaha oo ku Baaqay Isku-Tashi Qaran si Looga Gudbo Abaarta.

Hargeysa-Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland, Cumar Shucayb Maxamed, oo maanta hortagay guddida joogtada ah ee Golaha Guurtida, ayaa si qoto dheer uga hadlay xaaladda abaarta ee dalka ka jirta, isaga oo ku baaqay in si qaranimo leh la isugu tashado, loona mideeyo dadaallada lagu badbaadinayo dadka iyo duunyada.

Wasiirku wuxuu xusay in abaartu tahay mas’uuliyad wadajir ah oo u baahan iskaashi buuxa iyo in si degdeg ah loo galo qorsheyaal wax ku ool ah.

Waxa uu bulshada ku ammaanay kaalinta firfircoon ee ay ka qaadanayaan gurmadka abaarta, isagoo tilmaamay in dadku si iskood ah isu abaabulayaan una muujinayaan wacyi iyo isku duubni.

Wasiirku waxa kale oo uu guddida la wadaagay warbixin ku saabsan waxqabadkii wasaaradda muddadii ay xilka hayeen, gaar ahaan tallaabooyinka lagu xoojinayo xoolaha nool oo laf-dhabar u ah dhaqaalaha Somaliland, iyo dedaallada xukuumaddu ku bixisay gurmadka qaran ee lagu taageerayo bulshada ay abaartu saamaysay.