Hargeysa-Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax ayaa sheegay in xukuumaddu ay ka go’an tahay ilaalinta midnimada bulshada iyo sharciyadda dalka.
Guddoomiyuhu waxa uu xusay in dadka ku hawlan faafinta hadallo ama muuqaallo dhaawici kara qarannimada, ama adeegsanaya luuqad kala fogaynaysa bulshada, lagula xisaabtami doono sharciga.
Guddoomiye Ramaac waxa uu carraabay in la dhawrayo sharafta, cirdiga iyo diinta. Waxa uu si gaar ah uga digay hadallada aan mas’uuliyadda ku dhisnayn ee lagu faafiyo baraha bulshada, isaga oo sheegay in aan laga aqbali doonin “Inan yar oo TikTok” waxa uu doono ka sheega magaalada Burco.
Ramaax ayaa bayaamiyay in maamulka gobolka uu diyaar u yahay ilaalinta amniga iyo wadajirka bulshada, isla markaana cid kasta oo ku xad-gudubta sharciga lala tiigsan doono.

