Guddi ka Tirsan Guurtidda oo la Kulmay Maareeyaha Waddooyinka.

Hargeysa-Gudidda joogta ah ee Golaha Guurtida Jsl ayaa maanta kulan la qaatay Maareeyaha Hayโ€™adda Horumarinta Wadooyinka JSL, Maxamed Faarax Cabdi.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray mashaariicda horumarinta waddooyinka ee dalka ka socda, halka ay marayaan, iyo safarradii kormeerka ahaa ee uu Maareeyuhu ku soo maray dhammaan gobollada Somaliland.

Sidoo kale, Maareeyuhu wuxuu guddida warbixin ka siiyey diyaar-garowga dhagax-dhigga waddada muhiimka ah ee Lowyo Cadoโ€“Fardaha, taas oo la filayo in dhawaan si rasmi ah loo dhagax dhigo.

Guddoomiyaha Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida JSL ayaa uga mahadceliyey Maareeyaha Hayโ€™adda Horumarinta Wadooyinka dedaalka iyo shaqada ballaadhan ee uu ka wado guud ahaan dalka, isaga oo ku ammaanay dardargelinta mashaariicda horumarinta kaabeyaasha waddooyinka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*