Hargeysa(SOLNA)-Hayโadda Shaqaalaha Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland (๐๐๐๐) ayaa maanta qabatay kulan dib-u-eegis lagu sameeyey hirgelinta Qorshaha Istiraatiijiga ah ee Hayโadda (๐๐๐๐โ๐๐๐๐).
Kullanka oo ah mid lix bilood hal mar la qabto si loo hubiyo qorshaha mudada dheer iyo qorshaha sannadlaha ah ee 2026 is waafaqsan yihiin.
Kulanka waxa ka qayb galay Guddoomiyaha Hayโadda Shaqaalaha Dawladda JSL, Mudane Cabdicasiis Xirsi Warsame, Agaasimaha Guud, ๐๐ข๐๐ข๐ข๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐ฌ๐ ๐๐จ๐จ๐ฌ๐ก โ๐๐จ๐จ๐๐ฅ๐โ, iyo dhamaan Agaasimayaasha Waaxyaha.
Intii uu kulanku socday, Agaasimayaasha Waaxyaha ayaa soo jeediyey talooyin lagu xoojinayo tayada qorshaynta, isku-xidhka qorshaha iyo fulintiisa, iyo kor u qaadista isla-xisaabtanka.
Guddoomiyaha Hayโadda, ๐๐๐๐๐ข๐๐๐ฌ๐ข๐ข๐ฌ ๐๐ข๐ซ๐ฌ๐ข ๐๐๐ซ๐ฌ๐๐ฆ๐, ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in qorshayaasha waaxyuhu noqdaan kuwo cad, la cabbiri karo, isla markaana si toos ah u taageera horumarinta adeegyada Hayโadda.
Sidoo kale, Agaasimaha Guud, Siciid Muuse Xoosh โRoobleโ, ayaa sheegay in qorshayn hufan ay saldhig u tahay fulinta guusha leh ee hawlaha Hayโadda, isagoo ku boorriyey dhammaan waaxyaha inay si dhow ula shaqeeyaan Waaxda Qorshaynta.



Be the first to comment