Hargeysa-Taliyaha Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, Sareeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan (Cabdi Dheere), ayaa shaaciyey in si buuxda loo xalliyey cabashooyinkii shacabka Berbera ka qabeen adeegga laydhka, kadib safar shaqo oo uu ku tagay magaaladaasi islamarkaana uu kula kulmay masuuliyiinta gobolka iyo degmada.
Taliye Cabdi Dheere waxa uu sheegay in inkasta oo adeegyada korontadu mararka qaarkood la kulmaan cillado farsamo, haddana dhibaatooyinkii dhinaca korontada ee laga tabayay Berbera hadda gebi ahaanba la xalliyey.
Taliyaha Boolisku waxa uu sidoo kale caddeeyey in gobolka Saaxil yahay mid amnigiisu sugan yahay, isaga oo bulshada ugu baaqay inay ilaashadaan nabadda iyo xasilloonida, maadaama Berbera tahay xarun istaraatiiji ah oo muhiim u ah isu-socodka iyo ganacsiga dalalka Geeska Afrika.
Taliyaha Boolisku ayaa xusay in amniga Berbera si gaar ah isha loogu hayo, iyadoo la eegayo muhiimaddeeda deked ahaan iyo marin ahaanba.

