Hargeysa-Kalfadhigii 14-aad ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta si rasmi ah u furmay, iyadoo fadhiga furitaanka uu shir-guddoominayay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha, Mudane Siciid Faarax Mire (Giirre).
Xoghaynta Golaha ayaa mudaneyaasha u qaybisay ajandaha kalfadhiga cusub, waxaana lagu wargeliyay inay soo akhriyaan si fadhiyada soo socda loogu guda galo doodiisa, wax-ka-beddelkiisa iyo kaabistiisa.
Furitaanka kalfadhigan ayaa hordhac u ah shaqooyinka sharci-dejineed iyo doodaha qorshaysan ee Golaha Wakiilladu ku yeelan doono muddada kalfadhiga.

