Hargeysa-Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dhambaal Hambalyo ah ku bogaadiyay Dawladda Israaโiil, munaasibadda maalinta madaxbannaanideeda awgeed.
Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JSL oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland (SOLNA), ayaa lagu sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland adkaynayso goโaankeeda ku wajahan xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga ay la leedahay Israaโiil, iyadoo diiradda la saarayo horumarinta danaha wadajirka ah ee labada dhinac.

